Home Wararka Maanta Qabanqaabada Banaanbax ka Dhan ah Deni oo kasocda Magaalada Bosaaso

Qabanqaabada Banaanbax ka Dhan ah Deni oo kasocda Magaalada Bosaaso

0

Magaalada Boosaaso waxaa ka socda qabanqaabada dibed ballaaran oo lagu taageerayo go’aanadii ka soo baxay issimada Puntland qaarkood ee lagu xalinaayey xiisadii ka taagneys halkaas ee ka dhalatay xilka qaadista taliyaha PSF.

Banaanbaxa ayaa la qorsheeyey inuu dhaco Jimcaha soo socda, iyadoo Maamulka Puntland uusan illaa hadda ka hadlin dibed baxa la qorsheynayo iyo go’aanadii ka soo baxay issimada oo ay ka mid ahaayeen in taliyaha diiday xilka ka qaadista ee PSF uu xilka sii hayo, In dekeda Boosaaso laga ceyriyo shirkadda DP World iyo dakhliga dekeda %17 loo Qoondeeyo magaalada Boosaaso.

Taliyaha diiday xilka ka qaadista ee PSF Jen. Max’uud Cusmaan Diyaano ayaa oo dhoweeyey go’aanada ka soo baxay isimada, isagoo balan-qaaday inuu u hogaansamayo.

Jen. Max’uud Cusmaan Diyaano ayaa dhinaca kale xusay in shacabka Boosaaso ay xaq u leeyihiin iney shucuurtooda ku muujiyaan banaanbax lagu taageerayo go’aanadii isimada.

“Waa waajib Dastuuri ah in shacabka Bosaaso muujiyaan fikirkooda xaqna way u leeyihiin inay ku muujiyaan banaanbax lagu taageeraayo fikirkii shalay ee go’aankii isimada Gobolka Bari gaareen, sida la qorahaynaayo Banaanbaxa Wuxuu noqon doona Maalinta Jimcaha, Waxaana balan qaadaynaa inaan sugno amniga banaanbaxayasha” ayuu yiri Jen. Diyaano.

Ad
Previous articleMaxamed Dahir Guleed oo Ka Horyimid Xilka Qaadistii Lagu Sameeyey
Next articleDeg Deg Banaanbixi Lagu Balansana Beri oo Baaqday(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here