Home Wararka Somaliya Deg Deg Banaanbixi Lagu Balansana Beri oo Baaqday(Sawiro)

Deg Deg Banaanbixi Lagu Balansana Beri oo Baaqday(Sawiro)

0

soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay banaanbaxii beri ka dhici lahaa magaalada Muqdisho kaasoo ay abaabulayeen xubno ka tirsan mucaaradka dowlada Somalia.

Dibed baxan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu taageero qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka, laguna cambaareeyo talaabadii isku dayga afgembi lagu sheegay ee dhowaan lagu sameeyey RW Rooble.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hoggaaminayay qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Muqdisho iyo Guddigii qaban qaabada bannaan baxa berri dhici lahaa ayaa isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbixii loo balansanaa.

Ugaaska ayaa ku guuleystay dadaalo uu saacadihii la soo dhaafay waday, isagoo gogol u dhigay dhinacyadii ku lugta lahaa qaban qaabada bannaanbaxa oo laga cabsi qabay inuu khalalaase ka dhaliyo Muqdisho, lamana shaacin xiliga kale ee la qaban doono.

Ad
Previous articleQabanqaabada Banaanbax ka Dhan ah Deni oo kasocda Magaalada Bosaaso
Next articleMadaxweynayaashi Hore ee Puntland oo ka Horyimid Go’aankii kaso baxay Isimada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here