Home Wararka Maanta Qaar Ka Mid ah Musharixiinta madaxweynaha oo Gaaray Teendhada Afisyooni(Sawiro)

Qaar Ka Mid ah Musharixiinta madaxweynaha oo Gaaray Teendhada Afisyooni(Sawiro)

0

Waxaa goordhaw lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabato doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana doorashada ku tartamaya musharaxiin badan oo hami ka leh qabashada xilka Madaxweynaha.

Teendhada Afisiyooni ee doorashada ka dhaceyso waxaa gaaray qaar badan oo kamid ah xildhibaanada labada Aqal ee dooranaya Madaxweynaha, waxaa sidoo kale teendhada ku sugan masuuliyiin kala duwan iyo wakiillo ka socda beesha Caalamka.

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gaaray teendhada Afidsiyooni, waxaana wali teendhada gaarin oo la sugayaa inyana Musharaxiin kale ay ku jiraan kuwa ugu saameynta badan .

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta dhaceysa ayaan wali la saadaalin karin musharaxa kusoo bixi doona, waxaana saacadihii ugu dambeeyay musharaxiinta wadeen olole xooggan oo lagu kasbanayay xildhibaanada.

Ad
Previous articleFaah-faahin ka soo baxaysa toogasho dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka
Next articleBangiyada Ku yaal Muqdishu oo Caqabad Cusub Soo Kordhiyay Si Xildhibaanada lacago loogu Dhexmarsiiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here