Home Wararka Caalamka Faah-faahin ka soo baxaysa toogasho dad badan ku dhinteen oo ka dhacday...

Faah-faahin ka soo baxaysa toogasho dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka

0

Toban qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gobolka New York ee dalka Maraykanka, waxaana hadda socoda baaritaanno la xiriira in falkaani uu ku salaysanyahay isir nacayb iyo in kale. Nin 18 jir ah ayaa la xiray ka dib markii uu is taagay goobta uu falku ka dhacay ee magaalada Buffalo. Booliisku ma sheegin magaciisa ninka ay qabteen.

Eedeysanaha ayaa galabnimadii Sabtida soo galay Supermarket mashquul badan ka hor inta uusan rasaasta furin. Waxa uu isticmaalay kamarad si uu weerarka ugu baahiyo khadka internedka sida ay booliisku sheegeen. FBI-da ayaa toogashada ku tilmaantay fal “xagjirnimo ah”.

“Waxaanu baaraynaa dhacdadan inay tahay dembi nacayb iyo kiis cunsuriyad ku salaysan oo xagjirnimo ah,” Stephen Belgia, oo ah wakiilka xafiiska FBI-da ee Buffalo, ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id uu qabtay.

Ninka la tuhunsanyahay inuu weerarka ka dambeyay ayaa la rumeysan yahay inuu gaari waday saacado badan si uu u gaaro goobta wax ka dhaceen ee magaalada.

13 qof ayaa la toogtay inta badan dadka la laayayna waa madow Maraykan ah” , ayuu yiri taliyaha booliiska Buffalo Joseph Gramaglia. Saddex qof ayaa dhaawacyo soo gaareen kuwaas oo dhammaantood ka shaqaynayay goobta ganacsi ee la weeraray.

Grady Lewis, oo arkayay markii weerarku dhacayay,ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu arkay ninka toogashada geystay oo banaanka rasaas ku furaya.”Markaa waxaan arkay ninka oo soo galay oo dadka tooganaya,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha New York Kathy Hochul ayaa sheegtay in weerarku uu ahaa fal-laga naxo oo dad si gaar ah loogu beegsaday .Wuxuu uu ahaa “fulin dil ah oo lagu beegsanayo dadka doonaya inay wax ka iibsadaan dukaamada xaafadda,” ayay ku tiri shir jaraa’id oo ay ku qabatay Buffalo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa isna dhankiisa warbixin laga siiyay toogashada. “Madaxweynaha iyo marwada koowaad ayaana tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka iyaga oo kuwa dhaawacmayana u rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho wanaagsan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mushrixiinta oo Bixinaaya Lacago aan Caadi ahayn
Next articleQaar Ka Mid ah Musharixiinta madaxweynaha oo Gaaray Teendhada Afisyooni(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here