Puntland oo xukun ku riday 18 ruux oo Lagu Eedeeyay Alshabaab inay ka Tirsan yihiin

Wararka ka imanaya dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in 21 ruux oo dhammaantood rag ah saaka lagu fuliyay dil toogasho ah magaalooyinka Gaalkacyo,Garowe iyo Qardho.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu toogtay 18 xubnood oo lagu helay dambi ah inay ka tirsanaayeen Alshabaab ayna dad badan dileen.

Sidoo kale, magaalada Garoowe waxa saaka lagu toogtay laba ruux oo lagu helay dambi ah inayka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka nin kale lagu toogtay magaalada Qardho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*