Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Xukun adag Ku Riday Rag Ka Tirsana Alshabaab

Puntland oo Xukun adag Ku Riday Rag Ka Tirsana Alshabaab

0

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dawacwadda shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Ugu horreyn xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka hor akhrisay gal-dacwadeedka laga diyaariyay eedaysanayaasha oo 4 ah iyo caddeymaha loo hayo kiiskooda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fursad siisay, isla-markaana dhageysatay dooda qareennada difaacaya eedeysanayaasha iyo falcelintooda ku aadan gal-dacwadeedka lasoo gudbiyey.

Intaasi kadib Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday shabakaddan oo ka kooban 4 nin, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay maxkamaddu.

Afarta nin ee la xukumay ayaa kala ah:- Jaamac Aadan Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamuud Abshir Muuse, kuwaas oo howlgal lagu qabtay.

Sida uu maxkamadda ka hor sheegay Dhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay go’aanka waxaa dil toogasho ah lagu xukumay afarta nin, wuxuuna shaaciyey in baaris dheer, kadib lagu helay dembiga lagu soo eedeeyey, kaas oo caddeymo sugan loo helay.

Ad
Previous articleDhgaeyso Aqalka sare oo Maanta magacaabay Guddiga Dastuurka aqalka sare
Next articleHey’adda ICG oo ku Baaqday in wada hadal lala galo kooxda Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here