Home Wararka Somaliya Puntland oo Mamnuucday banaanbaxyo laga abaabulayo Magaalada Boosaaso

Puntland oo Mamnuucday banaanbaxyo laga abaabulayo Magaalada Boosaaso

0

Maamulka  Puntland ee gobolka Bari ayaa shacabka Magaalada Boosaaso u sheegay in la mamnuucay isu baxyada iyo kulamada kale ee dadweynaha

Ku simaha taliyaha qeybta, Col. Yuusuf Cabdi Cartan, ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan yeesheen shir looga hadlayo xoojinta amniga gobolka bari, ayna kasoo saareen amarro.

Shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta ayuu ku faahfaahiyay amarrada kasoo baxay kulankooda.

a ay maalmahan jireen tashwiishyo ku saabsan mudaharaadyo iyo waxyaalo kale, waxaan isugu nimid inaan shirkaas ku xoojinno amniga, waxaana kasoo baxay go’aanno,” ayuu yidhi Col. Yuusuf.

Isagoo go’aannadaas sharraxaya ayuu intaas raaciyay: “Dhammaan dadweynaha ku nool magaalada Boosaaso waxaan u sheegeynaa, oo ka wacyi galineynaa in ay joojiyaan dadka wada mudaharaadka. Waxaa kaloo aannu u sheegeynaa inuusan jirin wax isu imaad ah, uusanna dhici karin. Waxaannu ka hor tageynaa saddexda bari ee soo socota, oo waxaan diyaar u nahay inaan xoojinno amniga gobolka Bari.”

Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa  maalmahan waday abaabul dibed baxyo lagu taageerayo Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Farmaajo loogana soo hojeedo hadalkii Madaxweynaha Puntland ka jeediyey Garoowe.

Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta oo ka dhawaajiyay in aan laga hor istaagi karin Banaan-baxooda
Next articleRaisal Wasaare Rooble oo Sharuudo Aqbalay iyo Heshiis hor dhac ah oo lala gaaray Musharixiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here