Home Wararka Somaliya Midowga Musharixiinta oo ka dhawaajiyay in aan laga hor istaagi karin Banaan-baxooda

Midowga Musharixiinta oo ka dhawaajiyay in aan laga hor istaagi karin Banaan-baxooda

0

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay inay qabanayaan banaanbaxa ay horay u iclaamiyeen in uu dhacayo maalinta Jimcaha ah ee todobaadkan xilli dowladda Soomaaliya ay shalay mamnuucday in la qabto banaanbax.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sinaba aysan u baajin doonin mudaharaakooda Nabadeed ee jimcaha.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu isku dayayo in uu isbaaro u digt banaanbaxa, hayeeshee aysan u joojin dono isbaaro iyo argagaxiso.

“ Waxaan rabaa in laga wantoobo in  isbaaro loo dhigto mudaharaadka, waan ognahay culeys ayuu leeyahay laakin haadan yeelno waan gumoobeeynaa, waxaana rabnaa in aan dadka barno yeel oo sharci darro ah maya oo sharci ah inay ka horgeeyaan ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Warkaan kasoo baxay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli weli dowladda Soomaaliya ay sheegeyso in marnaba aysan ogoleyn in banaanbax la qabto, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku hayaan wixii dhici doona.

 

Ad
Previous articleAkhriso:- Puntland oo ku xirtay 8 Sharuudood ka qeyb galka Shirka Muqdisho
Next articlePuntland oo Mamnuucday banaanbaxyo laga abaabulayo Magaalada Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here