Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo ka hadashey Heshiiska dhex-maray Midowga Musharaxiinta iyo xukuumadda

Puntland oo ka hadashey Heshiiska dhex-maray Midowga Musharaxiinta iyo xukuumadda

0

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si weyn u dhaweysay heshiiskii ay xalay wada gaareen midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda xil gaarsiinta ee hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Puntland waxay caddeysay in ay tahay tilaabo wanaagsan in dowladda Soomaaliya ay qiratay weerarkii lagu qaaday Hoteelka ay degan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo dibadbaxayaal.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa sidaan u qornaa:

Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.

Ad
Previous articleXildhibaan Ihaan Cumar oo mooshin cunaqabateyn ah ka gudbisay Amiirka Sacuudiga
Next articleJubbaland oo war kasoo saartay Mowqifkeeda ku aadan Heshiiska Dowlada iyo Mucaaradka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here