Home Wararka Somaliya Puntland Puntland Oo Baaris Ku Wado Dad Loo Heysto Dilka Nabadoon lagu Dilay...

Puntland Oo Baaris Ku Wado Dad Loo Heysto Dilka Nabadoon lagu Dilay Galkacyo.

0

Saraakiisha laamaha amaanka waqooyiga gobolka Mudug ee Puntland ayaa baaritaano ku wado dad ku eedeysan dilka nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) kuwaas oo dhowaan lagu qabtay howlgal ka dhacay Gaalkacyo.

Saraakiil u hadashay Puntland ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in eedeysanayaasha su’aalo weydiintooda ay ka socoto xabsi gaar ah oo ku yaala Gaalkacyo qeybta ay ka arrimiso maamulka Puntland, iyadoo la filayo in maxkamadaha loo gudbiyo.

Nabaddoonka ayaa bil ka hor lagu dilay bannaanka hore ee masjid lagu magacaabo Macmuur oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xilli fiid ah oo ku beegnayd 16 June 2022.

Sidoo kale marxuumka aabbihiis Xasan Xuseen Walloore ayaa la dilay isagoo ka soo baxay isla masjidkaas Macmuur  xilli fiid ah oo ku beegnayd 8 August 2011.

Ad
Previous articleFaahfaahin: Idiris Cali oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo
Next articleAl-Shabaab oo Qarax Culus la eegtay shaqaale Kenyaan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here