Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Safar u aaday Imaaraadka Kadib Doorashadii Xasan Shiikh iyo...

P.M Rooble oo Safar u aaday Imaaraadka Kadib Doorashadii Xasan Shiikh iyo Imaaraadka oo Waji Cusub u Furay Soomaaliya

0

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xubno la socda ayaa kusii jeeda dalka Imaaraadka Carabta, maalmo kaddib markii magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxweyne cusub oo Soomaaliya yeelatay.

Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u aadaya dalka Imaraaadka Carabta ka qeyb galka aas loo sameenayo Madaxweynihii dalkaasi oo dhawwaan geeriyooday.

Aaska Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka qeyb galaya madax kala duwan oo daafaha caalamka ka socda, waxa ayna Soomaaliya kamid tahay wadamadda Madaxdooda aaska lagu casuumay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana aaska kadib lagu wadaa in uu kulamo la qaato madax katirsan dowladda Imaaraadka Carabta uuna kala hadlo xiriirka labada dal iyo isbadalka ku yimid hoggaanka Soomaaliya.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gacan Ku Dhiigle Cabduqaadir Cali oo Xalay Dilay Marxuum Bare Cali Maax
Next articleDil Goordhow Ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here