Home Wararka Maanta Dil Goordhow Ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

Dil Goordhow Ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan oon heebtooda la garan ayaa maanta barqadii sargaal katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya waxa ay ku dileen xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Laba xidigle Aadan Cusmaan, ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugnaa goob aan xaafadiisa ka fogeyn, waxaana la sheegay in kooxda hubeesan dhoor xabadood ku dhufteen.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa dilka kadib goobta soo gaaray, ciidamada ayaana ku guuleesan in ay soo qabtaan kooxdi dilka geesatay oo goobta si degdeg ah uga baxsatay sida dadka deegaanka sheegeen.

Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto askar iyo shaqaale katirsan dowladda, waxaana inta badan baxsada kooxaha hubeesan ee dilalkaasi geesta.

Ad
Previous articleP.M Rooble oo Safar u aaday Imaaraadka Kadib Doorashadii Xasan Shiikh iyo Imaaraadka oo Waji Cusub u Furay Soomaaliya
Next articleShiikh aadan Madoobe oo loo Gudbiyay Dalab la xariira Lacagihii Laga Qaaday Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here