Norway oo Wax ka badashey Sharuudaha Waalidka Basaboorka u dalbaya Caruurta

Dowlada Norway ayaa wax ka badashey Qaabka Waalidka uu u dalbanayo Basaboorka Caruurta ka yar 18 Sano jirka ama Kaarka Aqoonsiga.

laga Bilaabo Bisha November Waxaa la badalay Habkii hore oo ahaa in Waalidka Midkood looga baahanyahay Xaruunta Booliska Halka midka kale Saxiixiisa oo kaliya ay ku filneyd.

Maanta Qaabka Cusub ayaa laga dhigay in Labada Waalid ay Qaab Waji ahaan ah ama toos ah u tagaan Xaruunta Caruuta looga dalbayo Basaboorka ama Kaarka.

Muhiim maahan in Waalidka isla socdaan Waalid kasta waxa uu tagi karaa marka uu doono isla markana Saxiixi karaa Warqada.