Home Wararka Somaliya Jubbaland Nin Dilay aabiihiis iyo Dadkake oo Badan oo Kismaayo lagu Qabtay

Nin Dilay aabiihiis iyo Dadkake oo Badan oo Kismaayo lagu Qabtay

0

Tan iyo shalay oo Arbaco ahayd waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada qabsaday hadal hayn ku saabsan nin magaciisa lagu sheegay “Aabihii Diloow” oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga ee Jubaland.

Ninkan oo lagu eedeeyay inuu dilal u gaystay dad badan oo uu aabihiis ku jiro ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, xilli uu baxsad ahaa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jubbaand oo aan la xiriirnay.

Magaca uu sheeganayay waa Cabaas Cabdi Cali.

Jaamac Joofane, oo ah afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Jubbaland, ayaa BBC-da u sheegay in ninkan uu yahay shakhsi deegaanka aad looga yaqaanno, uuna xilliga la qabtay isku dayayay inuu dalka dibaddiisa u baxsado.

“Ninkan oo shalay lagu xiray Kismaayo waxa uu diyaarad kuwa maxalliga ah kasoo raacay magaalada Dhooblay, wuxuuna ku socday magaalada Muqdisho. Baaritaan aan samaynay waxaan ku ogaannay inuu rabay in uu usii baxo dhanka dalka Turkiga, sidaana uu waddanka kaga baxo,” ayuu yidhi afjayeenka.

Eedeysanahan, oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka dhar cadka ah ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa la sheegay in uu caan ku ahaa dhibaatooyin uu ka gaystay deegaanno ku xaalla xadka isku xira Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxaa lasoo tebiyay in uu falal noocaasoo kale ah ka gaysan jiray xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.

1-Sababta uu aabihiis ku dilay

Dadka uu dilay ninkan lasoo xiray waxaa ka mid ah aabihiis, sida ka muuqata magaca naanaysta u ah, isla arrintaasna waxaa sheegay afhayeenka wasaaradda amniga Jubaland.

Baraha bulshada oo aad loogu hadal hayay sheekadiisa ayaa sidoo kale ay dadku ku muujinayeen in ay aad u yaqaannaan.

Nin xidhan

Inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah aan laga haynin sababta keentay inuu aabihiis dilo, haddana waxaa jira arrimo la isla dhex marayay, sida uu sheegay Jaamac Joofane ayaa yidhi.

“Sida ay hay’adaha amniga ee baaritaanka ku haya noo sheegeen, ninkan dadka uu dilay waxaa ka mid ah aabihiis. Waxaa la sheegay in sababta uu ku dilay ay ahayd arrimo la xiriira inuu shuftada ka baxo iyo wax la mid ah,” ayuu yidhi.

Sida ay wararku sheegayaan, aabihiis ayaa ka dalbaday inuu iska joojiyo burcadnimada, markii uu ka diidayna ay is qabteen, sidaasna uu ku dilay.

Ad
Previous articleMidkamid ah Dalalka islaamka oo laga Mamnuucay aalada Tiktok
Next articleMadaxweynihii Hore ee Kenya oo geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here