Home Wararka Caalamka Midkamid ah Dalalka islaamka oo laga Mamnuucay aalada Tiktok

Midkamid ah Dalalka islaamka oo laga Mamnuucay aalada Tiktok

0

Maamulka Taliban ayaa Dalka Afghanistan ka mamnuucay aalada Tiktok, waxayna Taliban-ku ku eedeyeen Tiktok aalad marin habaabineysa dhalinyarada iyo jiilka soo koroya ee reer Afghanistan.

Taliban ayaa amar ku bixisay mamnuucida TikTok iyo Game-ka PUBG ee caanka a Taalibaan waxay ku adkaysanayaan in apps-kan ay dhalinyarada Afgaanistaan ​​marin habaabiyeen.

Labadan Apps ayaa ka dhigay jiilka da’da yar inay marin habaabiyaan”, ayaa lagu yiri golaha wasiirada oo bayaan soo saaray, iyagoo intaa ku daray in Wasaaradda isgaarsiinta lagu amray inay xirto.

App-yada ayaa caan ku ah dadka reer Afgaanistaan ​​kuwaasoo hadda haysta dhawr fursadood oo madadaalo ah tan iyo markii ay Taliban qabsadeen Afgaanistaan ​​sannadkii hore. Taalibaan waxay mamnuucday muusiga iyo filimada.

Talisku wuxuu sidoo kale amar ku siiyay wasaaradda inay joojiso TV-yada inay soo bandhigaan “waxyaabo anshax xumo ah”, in kasta oo wax yar laga sii daayo wararka iyo waxyaabaha diiniga ah.

Markii ay xukunka qabsadeen ka dib ayna ciidamada Mareykanka ka baxeen dalkaas bishii Ogosto ee sanadkii hore, Taliban waxay dooneysay inay u xaqiijiso caalamka in nidaamka uusan noqon doonin mid adag sidii hore ee u dhexeeyay 1996 iyo 2001. Laakiin Taliban ayaa si tartiib tartiib ah u soo rogtay xannibaado kala duwan.

Shacabka Afgaanistan oo gaaraya 38 milyan, in ka badan 9 milyan ayaa heli kara internetka, sida ku cad xogta DataReportal oo ah xog ururiye madax banaan.

TikTok oo Shiinuhu leeyahay ayaa laba jeer oo hore laga xiray dalka ay jaarka yihiin ee Pakistan,sababto ah waxa lagu eedeeyay wax aan anshax ahayn.

Ad
Previous articleBoqor William Alexander oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Danjiraha Somaaliya uu Fadhin Doona Wadankaas
Next articleNin Dilay aabiihiis iyo Dadkake oo Badan oo Kismaayo lagu Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here