Home Wararka Maanta Muxuu yahay Qorshaha Raysulwaasare xamse uu xalay utagay dalka masar?

Muxuu yahay Qorshaha Raysulwaasare xamse uu xalay utagay dalka masar?

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira caasimada dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa

Xamza aya ka qayb-galaya shir aan caadi weyn oo ka dhacaya Qaahira, kaas oo ay berri yeelanayaan madaxda Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigoodu yahay magaaladaasi.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa qaddiyada Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska Gaza iyo sidii loo caawin laha shacabka reer Falastiin, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu ka qayb-galayaa shir aa caadi ahayn oo  ay isugu imaanayaan Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta oo looga hadlayo sidii dib loogu dhisi lahaa Gaza, loona caawin lahaa reer Falastiin” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaalya.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ka hadli doono mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku wajahan qaddiyada shacabka dad Falastiin, isaga oo la filayo inuu mar kale ku celiyo in dowladda Soomaaliyeed ay si adag u diiday hadalladii dhowaan kasoo yeeray Israa’iiliyiinta ee ahaa in la barakiciyo shacabka Falastiin.

“Waa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciyada iyo axdiyada caalamiga ah iyo kuwa xuquuqda aadanaha, isla markaana khal-khalgelin kara amniga guud iyo nabada gobolkan iyo tan caalamka” ayuu mar kale yiri Farxaan Maxamed Jimcaale.

Shirkan beri furmayo ayaa kusoo aadayo, xilliay muhiim u tahay Soomaaliya, maadaama dowladda federaalka ay xubin ka tahay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaana door fir-fircoon ay ka ciyaareysaa masraxyada caalamiga ah hadidi ay noqon lahayd dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhinaca dhaqaalaha.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Dagaal Dhowr jiho ah ku qaaday Degmo dhawaan laga qabsaday iyo dagaal qaraar oo socda
Next articleWararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca