Home Wararka Somaliya Musharax Daahir Geelle oo ku talayiyay in La sii wado Wadahadalada

Musharax Daahir Geelle oo ku talayiyay in La sii wado Wadahadalada

0

Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay wadahadaladii hakadka ku yimid ee u dhexeeyay Midowga Musharaxiinta iyo Dowlada Federalka isagoo ku taliyay in la bilaabo wadahadaladaas.

Musharax Geelle oo ah afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa ku taliyay in la wadahadlo,maadaama laga xaajoonayo caqabadaha taagan, sidaas awgeed ayuu ku baaqay in aan laga maarmin isla fadhiisiga si loo saldhigo ka gudubka caqabadaha jira.

“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro” Sidaas waxaa yiri Daahir Maxamuud Geelle oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook.

Midowga Musharaxiinta ayaa hore kulamo ula yeeshay Ra’iisul Wasaare Rooble hase yeeshee wadahadaladaas ayaa lagu guuldareystey kadib markii lagu heshiin waayay qodobo ay soo bandhigeen midowga musharaxiinta.

 

Ad
Previous articleAxmed Madoobe iyo dani oo Muqdisho imaanaya
Next articleWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ku Wajahan Maxkamada ICJ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here