Home Wararka Somaliya Musharax C/raxmaan C shakuur ” Ciidamada waxaa Lagu Kala wadaa kala qeybin

Musharax C/raxmaan C shakuur ” Ciidamada waxaa Lagu Kala wadaa kala qeybin

0

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa ka digey in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed la kala qeybiyo isla markaana laga shaqeeynayo in ciidamadu burburaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka general Odowaa iyo taliyaha ciidamada Lugta General Biixi inay ku howlan yihiin sidii loogu kala qeybin lahaa ciidamada kuwo daacad u ah Farmaajo iyo kuwo kale.

“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidamada loo kala qeybinayo kuwo dagaalada loo diro iyo qaar doorashooyinka lagu qalqal gelinayo.

“Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.”

Ugu dambeyntii waxa uu Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur uga digey taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo.

Ad
Previous articleDani oo siiwada Kulamada Musharaxiinta, Maantana La Kulmay Musharax….
Next articleMadaxweyne Qoor qoor oo La kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here