Home Wararka Somaliya Somaliland Mucaaradka oo lagu wado inay war kasoo saaraan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland

Mucaaradka oo lagu wado inay war kasoo saaraan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland

0

Mas’uul sare oo ka tirsan hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa BBC-da u xaqiijiyey in maanta ay shaacin doonaan bayaan ay ku qeexayaan mawqifkooda iyo waxa ay yeelayaan mar hadii maanta oo ah 13-ka bisha Noofember ay ku buuxdo shan sano ka dib maalintii ay dhacday doorashadii madaxtooyada ee 2017-kii.

Taas oo ka dhigan in ay dhamaatay muddadii shanta sano ahayd ee Madaxweyne Biixi xilkiisu ahaa, waxaase xusid mudan in madaxweynuhu xilka la wareegay oo loo dhaariyey bishii Diisember ee isla sannadkaas.

Labada xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa hore u sheegay in aanay wixii 13-ka November ka dambeeya u aqoonsanayn inuu Muuse Biixi yahay madaxweynaha sharciga ah, waxaana tan iyo shalay gelinkii dambe oo ay mucaaradku u fadhiisteen wada tashiyo u gaar ah aad loogu dhegtaagayey waxa ka soo bixi doona kulamadoodaas.

Ad
Previous articleDEG DEG:Xaashi Warsame Daamay oo goordhow lagu Dilay Degaanka balicad ee Galmudug
Next articleMadaxweynaha Dowladda Galmudug oo maanta furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here