Mucaaradka Dowlada Somaliya oo ku dhawaaqay banaan-baxyo kale iyo Cabsi jirta

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa mar kale ku dhawaaqay in ay qabanaan banaan baxyo nabdoon oo looga soo horjeedo Nidaamka waqtigiisu dhamaaday laguna dalbanayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goordhaw Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ay qabanayaan banaan bax nabdoon uu xaq u siinayo dasturrka in ay qabsan karaan.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay  Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee  Farmaajo in uu Ciidamadii qaranka u adeegsaday in uu ku weeraro musharixiinta kuna joojiyo banaan bax si nabdoon loo soo abaabulay.

Waxa uu ugu baaqay Sheekh Shariif saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida in aysan qaadan amarka Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayna qeyb ka noqon in dalka dhibaato mar kale loo horseedo.