Mucaaradka ayaa Looga Guulaystay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada

Mohamed Hassan Irro oo horey u ahaa gudoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee ay diideen Midowga Musharaxiinta, iyo Maamulada Jubbaland & Puntland ayaa markale loo doortay gudoomiyaha guddigan, ka dib Loolan adag oo uu galay.

Ciro ayaa ka guuleystay Liibaan Shuluq oo ay awooda ugu badan iskugu geeyeen Raysalwasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta xubnaha, Galmudug, Jubbaland oo xalay kusoo biirtay, waxaana markale muuqatay lagdin adag oo siyaasadeed.

Soo bixida Ciro, ayaa ah mid aysan jecleysan Mucaaradka, balse ay ku qasban yihiin sida muuqata maadaama ay horey ugu qanceen Guddigan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*