Home Wararka Somaliya Meydka Muwaadin Somali ah oo mudo la la’aa oo laga helay North...

Meydka Muwaadin Somali ah oo mudo la la’aa oo laga helay North west

0

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrika gaar ahaan kuwa Gobolka North West ayaa xalay helay Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo maalmihii lasoo dhaafay lagu la’aa Nolal iyo geeri.

Cabdullaahi Bootaan ayaa waxaa uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee wada gaadiidka lagu wareejiyo aaabaha Delivery ah, waxaana la waayay saddex maalin kahor oo ay baadi goobayeen Booliska iyo Muwaadiniin kale oo Soomaali ah.

Meydka Marxuum Bootaan ayaa waxaa markii horer soo arkay Nin Hindi ah oo gaari watay, isagoona intaas kadib ku wargeliyay Booliska Gobolka North West ee Koonfur Afrika, waxaana goobta lagu arkay laga soo qaaday Meydka Bootaan oo jirkiisa ka muuqdeen rasaas lagu dhuftay oo loo adeegsaday dilkiisa.

“Meydka Walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan….ALLAHA u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey” ayuu yiri Cabdalla oo adeer u ahaa Marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdullaahi ayaa 3-maalmood ee ugu dambeeyay Nolal iyo geeri lagu la’aa, waxaana markii cidi ugu war dambaysay ay aheyd Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo xiligaas gaari uu Alaabo Delivery ah ku wareejin jiray wata ka baxay Magaalada uu dagan yahay ee Brits, isla markaana kusii jeeday Thabazimbi oo (146,4 km) u jirta Brits.

Ad
Previous articleMucaaradka ayaa Looga Guulaystay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada
Next articleKooxda Shabaab oo soo bandhigtay Askar ay ku sheegeen in ay isku dhiibeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here