Home Wararka Caalamka Milatariga Itoobiya oo Magaalo muhiim ah kala wareegay jabhada TPLF

Milatariga Itoobiya oo Magaalo muhiim ah kala wareegay jabhada TPLF

0

Ciidamada milatariga Itoobiya oo kaashanaya kuwa Eritrea ayaa duulaan ku qaaday magaalooyin ay maamulaan falaagada TPLF, waxaana labada dhinac dhax maray dagaal dhiig badan ku daatay.

Milatariga Itoobiya ayaana guulo ka gaaray dagaalka ay kula jiraan TPLF, waxa ayna ciidamada federaalka gudaha u galeen lana wareegeen magaalada Shire oo ah magaalo muhiim ah oo horey u maamulayeen TPLF.

TPLF war ay soo saartay ayey ku xaqiijiyeen in gacantooda ka baxday magaalada Shire, waxa ayna kooxdan sheegeen in ay dib isku soo abaabulayaan iska difaacayaan duulaanka ciidamada federaalka iyo kuwa Eritrea.

Magaalada Shire ay la wareegeen ciidamada dowladda fedreraalka Itoobiya ayaa waxaa ku nool dad lagu qiyaasay  boqol kun oo qof, waxa ayna magaaladan la qabsaday ku dhaw dahay magaalooyinka qadiimiga ah ee Axum iyo Adwa.

Duulaankan cusub ee ciidamada federaalka Itoobiya kula wareegeen magaalooyinka cusub ayaa kusoo aadaya xili Midowga Afrika ka shaqeenayao xabbad joojin iyo in wadahadal labada dhinac isugu yimaadaan.

Ad
Previous articleCiidamada Macawisleyda Gobalka Hiraan oo Saakay Weerar Gaadmo ah ku Qaaday Alshabaab
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Beshiisa Ugu Baaqay inay Dagaalka Bilaabaaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here