Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta oo sheegay in Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne

Midowga Musharixiinta oo sheegay in Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne

0

Golaha Midowga Musharixiinta  ayaa War-Murtiyeed ay kasoo saareen xaaladda dalka ku cadeeyay in laga bilaabo 8Feb.2021 aysan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn in uu yahay Madaxweynaha JFS.

Qoraal kasoo Golaha Midowga Musharixiinta ayay soo jeediyaeen in la dhiso Gole Qaran oo ku meel gaar ah ( Tansinational National Council) oo ay xubno ka yihiin guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Madaxweyneyaasha dawlad Goboleedyada, wakiilo ka socda Golaha Midowga Murashaxiinta iyo bulshada rayidka ah, si loo dhamaystiro hirgelinta heshiiskii 17 ka Sebtembar.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay sheegeen in ay waajib tahay in dalka laga badbaadiyo in uu dhaco firaaq Dastuuri ah sida ku cad qoodbka 95aad ee dastuurka KMG ah, kaas oo qeexaya bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha iyo sii heynta xilkiisa ilaa iyo inta laga dooranayo Madaxweyne Cusub.

Waxaa ay ugu baqeen Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaadatay in uu u hoggaansamo sharciga iyo dastuurka si uusan u lumin xaqa dastuuriga ah ee uu leeyahay taas oo shardiga ku xiran uu yahay in uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay ugu baaqeen hay’adaah Amniga dowladda Federaalka inay ilaliyaan sharciga, iyaga oo uga digay inay kasii amar qaataan shaqsiyaad uu mudada xilheyntooda uu dhamaaday, waxaana ay ka dalbadeen Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka inay taageeraan dalabka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Qoraalkan kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku egyahay Maanta, isla markaana weli wax heshiis ah aan laga gaarin arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta oo dalab hordhigay Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Next articleBeesha Caalamka oo War kasoo saareysa xaalada siyaasadeed ee dalka xili cabsi jirta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here