Home Wararka Somaliya Midowga Musharixiinta oo dalab hordhigay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Midowga Musharixiinta oo dalab hordhigay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa xalay ay kulan gaar ah la qaateen Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan, iyaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa sida laga yeelayo xaaladda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka madaama uu dhamaaday mudada xilehynta Madaxweyne ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si dalka uusan uga dhicin firaaq Dastuuri ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kulanka, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in midowga musharixiinta, ay u sheegeen, gudoomiye Mursal, in xilka Madaxweynanimada ay ka idlaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidaas darteedna uu qaato doorkiisa oo uu noqdo Kusime, balse dalabkaas uu ku gacan seeyray.

Midowga Musharixiinta ayaan faah faahin ka bixin kualnkii ay la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, balse taas bedelkeda ay soo saareen qoraal ay ku sheegeen in Maxamed Cabdullaahi farmaajo xilligaan wixii ka dabeeya aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Qarax lagu dilay Saraakiil ciidan oo Galmudug ku sugnaa
Next articleMidowga Musharixiinta oo sheegay in Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here