Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid (Laahoor) ayaa iska dhiibay degmada Qandala ee gobalka Barri, isagoo horey June 2022-kii ay maxkamadda Dambiyada culus ee Puntland kuheshay in uu qeyb ka ahaa Dilal qorsheysan oo laga geystay magaalada Boosaaso, lana xukumay.
Laahoor, xiligaas la xukumay VOA-da oo uu hadlay wuu inkiray in uu katirsan yahay Kooxaha Argagixiso, waxaase maxkamaddu kuheshay oo u xukuntay in uu wax ka ogaa dilal waxgal badan lagu dilay oo kadhacay deegaanada PL, gaar ahaana magaalada Boosaaso, 3 jeer oo horey loo xiray ayaa lasii daayay.
Xubnaha Argagixisada Daacish ee Soomaalida ah iyo Ajaaniibta ayaa maalmihii u dambeeyey is hayay, 6 kamid ah kuwa Soomaalida ah ayaana la dilay, iyadoo Ajaaniibtu ku doodeen in Soomaalidu is dhiibayso.