Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howl-gallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Macawiisleyda ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud.
Howlgalka koowaad ayaa waxa uu tilmaamay inuu ka dhacay magaalada Bud-Bud, islamarkaana laga saaray maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee muddada ku sugnaa halkaasi.
“Ciidanka deegaanka ee ka howlgala bariga gobolka Galgaduud ayaa howlgal qorsheysa waxa ay ka fuliyeen meesha la yiraahdo Bud Bud iyo Bood waxay qabsadeen gacan ku heynta magaalada oo dhan,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada marka ay qabteen magaalada ay isugu yeereen dadka deegaanka, islamarkaana ay kula hadleen goob fagaare ah, iyaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, maadaama laga xoreeyay Al-Shabaab.
“Waxay isugu yeereen dadkii shacabka ahaa waxayna u sheegeen in kooxda maafiyada Khawaarijta in aysan tabar badneyn is dajiyaan ciidankana ay la shaqeeyaan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in howl-gal kale oo ay qaadeen ciidamada deegaanka uu isna ka dhacay degmada Ceelbuur, kaas oo isna lagu beegsaday goob ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac loo gaystay.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.