Home Wararka Maanta Meydka Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo Shan Maalin kadib laga Helay Wabi Dhexdiis

Meydka Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo Shan Maalin kadib laga Helay Wabi Dhexdiis

0

Waxaa saacado kahor la helay meydka Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo muddo shan cisho ah nolol iyo geeri lagu la’aa ayna socdeen baadigoobkiisa.

Wiilkan oo dhiganayay Jaamacadda Minnesota ayaa booliiska magaalada iyo eheladiisa ku jireen baadigoobkiisa, waxaana ugu dambeyn isaga oo dhintay meydkiisa laga helay webiga Mississippi.

Booliiska magaalada Minniesota ayaan wali faah faahin ka bixin sababta keentay geerida wiilkan, waxa ayna sheegeen booliiska in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sababta keentay geerida wiilkan Soomaaliyeed.

Webiga Mississippi ayaa horey looga helay meydadka dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood ku dhaceen, lamana oga in wiilkan uu wabiga ku dhacay iyo sidoo kale lagu riday inta la dilay.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo kordhisaya Qiimaha Xajka Sanadkaan Sababtana Shaacisay
Next articleDeg Deg: Koonfurgalbeed oo Toogatay ninkii Dilay ganacsato Aamino Malaaq Muqtaar (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here