Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo kordhisaya Qiimaha Xajka Sanadkaan Sababtana Shaacisay

Dowlada Soomaaliya oo kordhisaya Qiimaha Xajka Sanadkaan Sababtana Shaacisay

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sare u qaaday qiimaha Xajka ee sanadkan, sida lagu sheegay warsaxafaadeed kasoo baxay guddiga sare ee qaabilsan adeegga Xajka.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qiimaha Xajadka ee sanadkan lagu jaan-gooyey lacag dhan $5,230,00 (Shan kun labo boqol iyo soddon Dollar), kadib markii uu qiimayn ku sameeyay daruufaha iyo isbeddelada ku yimid adeegyada Xajka ee Sacuudiga.

Sidoo kale guddiga ayaa faray shirkadaha ka shaqeeya adeegayada Xujeyda Soomaaliyeed in ay sare u qaadaan tayada adeegooda, isla-markaana ay la yimaadaan hufnaan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022 kadib Markuu sameeyay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta isbedelka ku yimid sicirka adeegyada xujeyda ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, duulimaadyada iyo kharashaadka kale ee lagama maarmaanka u ah adeegyada Xujeyda sanadka 1443/2022.

Markuu Tixgeliyay baahiyada iyo duruufaha sanadkan hareeyay guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed

Ad
Previous articleFaahfaahin: Dagaal ka dhacay magaalada muqdisho iyo khasaaro ka dhashay
Next articleMeydka Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo Shan Maalin kadib laga Helay Wabi Dhexdiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here