Home Wararka Somaliya Maxkamada Ciidamada oo sii Daysay Shaqsiyaad Loo haysto dilka Gudoomiye dhagajuun

Maxkamada Ciidamada oo sii Daysay Shaqsiyaad Loo haysto dilka Gudoomiye dhagajuun

0

Guddigii baarayay Dilkii Gudoomiyihii Degmadda Hodan, C/xakiin Dhagajuun ayaa Warbixin ay soo saareen ku sheegay in Dilka uu ahaa Shil ee uusan ku talagal ahayn, taasoo aan wadan Daliil.
Waxayna Warbixintooda ay ku eedeeyeen 7 qof oo uu ku jiro Taliyihii Saldhiga Howlwadaag. Waxayna Eedda ka saareen Taliyihii Saldhiga Waabari iyo 2 ka mida illaaladiisa oo ay Maanta sii daysay Maxkamadda Ciidamadu.

Waxyaabaha la yaabka leh ee Warbixinta Guddiga ku jira waxaa ka mid ah inuu u eedaysan yahay Askariga kaliya ee ka badbaaday Illaaladii C/xakiin oo wali xiran.

40 cisho ayeey Guddigan baarayeen Kiiska, Waxayna ka koobnayeen Xeerillaalinta Ciidanka, Booliska iyo NISA.

W/Q  Abdiaziiz Afrika

Ad
Previous articleKooxda Shabaab oo goob Fagaaro ah ku toogtay 5 Qof
Next articleDowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Banaanbaxa Mucaaradka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here