Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Banaanbaxa Mucaaradka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Banaanbaxa Mucaaradka

0

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.

Ugu dambayn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha.

Ad
Previous articleMaxkamada Ciidamada oo sii Daysay Shaqsiyaad Loo haysto dilka Gudoomiye dhagajuun
Next articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo Maanta Mar kale Kulmaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here