Home Wararka Maanta Maxay Ahaayeen Qaraxyadii Calay gilgilay Muqdisho iyo Dowlada oo Ka Hadashay?

Maxay Ahaayeen Qaraxyadii Calay gilgilay Muqdisho iyo Dowlada oo Ka Hadashay?

0

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed, taas oo ay ku sheegeen in bulshada iyo saxaafaddaba ay ku wargelinayaan in aysan khatar amni ka jirin caasimadda Soomaaliya ee Muqdsiho.

Waxay sheegeen in kooxaha argagaxisada ay isku dayeen inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin ay been abuur ku tilmaameen ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taala degmada Daarusalaam.

Taliska booliska ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in miinooyinkaas ay ahaayeen kuwa aan wax khatar ah geysan.

Dhanka khasaarahana, waxay war saxaafadeedka ku sheegeen in aysan jirin khasaare nafeed ama nantiyeed oo ka dhashay weerarkaa.

Waxay sheegeen in ciidanka booliska ay si degdeg ah ugu hor tageen dhacdadaas,isla markaana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada.

Taliska booliska ayaa ugu dambeyn ugu baaqayaa shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleKu Dhawaad 25 Gaari oo sida Gargaar oo gaaray Degmada Guriceel
Next articleDowlada Soomaaliya oo ugu Danbayn Go’aansatay in Ciidamada Itoobiya Sii Joogaan