Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ugu Danbayn Go’aansatay in Ciidamada Itoobiya Sii Joogaan

Dowlada Soomaaliya oo ugu Danbayn Go’aansatay in Ciidamada Itoobiya Sii Joogaan

0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii Itoobiya loogu dari lahaa qoondada ciidamada ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Balcad ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u qoondeysay ciidamo ka qayb qaata howlgalka, ayna aqoonsatay dalalka la filayo inay ciidamo ku biiriyaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu caddeeyay in ka qaybgalka Itoobiya uu weli yahay mid aan la hubin, iyadoo dowladda ay ku howlan tahay xallinta arrimaha la xiriira qeybinta ciidamada.

“Caqabadda ugu weyn ee hortaagan ka mid noqoshada Itoobiya ee AUSSOM waxay la xiriirtay heshiiskii MoU-ga. Arrintaas waa la xalliyay. Caqabadda hadda jirtaa waxay tahay in inta badan qoondada ciidamada horey loo qoondeeyay, ayna yar tahay waxa ka haray in la qeybiyo. Waxaan si firfircoon ugu shaqeyneynaa sidii xal loo heli lahaa,” ayuu yiri Balcad.

Kadib kulan dhowaan ka dhacay Addis Ababa oo dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, labada dal ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed ee buuxa kaas oo ay waxyeello gaarsiisay heshiiskii MoU-ga ee Somaliland.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ku adkaysaneysay in ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalineed ee mustaqbalka uu ku xiran yahay in ay ka laabato heshiiskeedii MoU-ga ee Somaliland.

Heshiiskaas oo la saxiixay Janaayo 2024, ayaa u oggolaaday Itoobiya inay marin bad oo dhanka Badda Cas ah ka hesho Somaliland, taas oo Soomaaliya u aragto faragalin lagu hayo midnimadeeda dhuleed.

In kasta oo ay sidaas tahay, haddana Soomaaliya ayaa dhawaan jilcisay mowqifkeeda, iyadoo aqoonsatay doorka Itoobiya ee howlgallada nabad ilaalinta ee hoos yimaada Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Wafdi ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda u safraan Itoobiya si ay uga hadlaan faahfaahinta farsamo ee la xiriirta ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka. Tani waxaa ka mid ah xaqiijinta tirada ciidamada iyo hubinta in ka qaybgalka Itoobiya uu waafaqsan yahay danaha qaran ee Soomaaliya iyo madaxbanaanideeda.

Balcad ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhawaan soo magacaabi doonto safiirkeeda Soomaaliya, halka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya uu bilaabi doono waajibaadkiisa rasmiga ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaxay Ahaayeen Qaraxyadii Calay gilgilay Muqdisho iyo Dowlada oo Ka Hadashay?
Next articleErdogaan Ma Tartami Doonaa Markii Afraad Mise Waa Tanaasulay?