Home Wararka Maanta Maxakamada Sare oo saakay U fariisatay Kiiska Dacwadii Fahad Yaasiin

Maxakamada Sare oo saakay U fariisatay Kiiska Dacwadii Fahad Yaasiin

0

Maxkamadda sare ee dalka ayaa goordhaw bilowday dhageysiga dacwad uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir qareenkiisa u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka oo la xariira kursigiisa la laalay.

Kursigii uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ku guuleestay ayaa waxaa hakisay dibna u celiyay guddiga doorashada heer federaal, kuwaa uu tilmaamay in doorashada kursigaasi aan loo marin habraac aan sax aheyn.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dalka ayaa ka dalbaday maxkamadda sare ee dalka in ay laasho dacwadan loo soo gudbiyay maxkamadda sare maadaama doorashada lagu hagayay heshiis siyaasadeed ay wada gaareen Madasha Wadatashiga Qaran.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhageysiga kiiskan kaddib la filayaa in go’aan kasoo saarto kiiska dacwada uu Gudbiyay Fahad Yaasiin oo doorashada kursigiisa la laalay.

Ad
Previous articlekhadiija Diiriye oo iskusoo Sharaxday Booskii Fahad Yaasiin U tartami lahaa
Next articleCiidamada Galmudug oo Cagta Mariyay Saldhigyo Alshabaab lahaayeen Qabsadayna Magalooyin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here