Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug oo Cagta Mariyay Saldhigyo Alshabaab lahaayeen Qabsadayna Magalooyin

Ciidamada Galmudug oo Cagta Mariyay Saldhigyo Alshabaab lahaayeen Qabsadayna Magalooyin

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, ayna la wareegeen deegaanada Qaraarow, Kalaxiran, Goryaale, Dhuumaale, Caad, Gabdhaale, Waable, Xawal Xasan Cadde, Hareeri Dheere iyo  Gaade.

Ujeedka howlgalladan ayey saraakiisha ciidamada Danab ku sheegeen in looga hortegayo weeraro ay had iyo jeer Al-Shabaab kasoo abaabulaan deegaanada ay ka joogaan Mudug.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab ee ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Ad
Previous articleMaxakamada Sare oo saakay U fariisatay Kiiska Dacwadii Fahad Yaasiin
Next articleRuushka oo isku Dayaaya inuu ay dhulka ku daraan ​​ Dhammaan ciidamada ee Gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here