Home Wararka Maanta Maxaabiistii ku Xirnayd Xabsiga Dhexe Magaalada Laasacaanood oo Xoog ugu Baxay Xabsigaas

Maxaabiistii ku Xirnayd Xabsiga Dhexe Magaalada Laasacaanood oo Xoog ugu Baxay Xabsigaas

0

Maxaabiistii ku xidhnayd xabsiga dhexe ee Laascanood ayaa qoryaha ka furatay ciidamadii Asluubta iska hor imaad cabaar socday kaddibna waxaanay ka baxsadeen jeelka.

Qaarkood ayaa u xidhnaa dilal iyo kiisas kale oo culculus.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Lasaacanood Dagaal looga Saaray Ciidamada Maamulka Soomaaliland waxaan magaalada la Wareegay Dadwayne Kacsan oo Xumaaday Dilal ka Dhacay Magaaladaas.

Wararka naga soo gaaraya goolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ku wajahan yahay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC.

Garaadka ayaa halkaasi uga qeyb gali doona shir looga hadlaho aayaha magaalada Laascaanood oo maanta furmayo, iyadoo shirka go’aan looga gaari doono waxa laga yeelayo rabshadihii dhawaan ka dhacay Laascaanood.

Garaad Jaamac oo gaadiid dagaal oo fara badan wata ayaa ku wajahan xarunta gobolka Sool, waxaana socota diyaar garowgii u danbeeyay ee loogu jiro soo dhaweyntiisa.

 

Ad
Previous article10 Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka
Next articleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo Dagaal Qaraar Kadib Alshabaab kala Wareegay Deegano Hor leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here