Home Wararka Maanta Maxaa ku dhacay ninkii qoriga ku qabtay Soomaali ku jirtay McDonald’s, Minnesota?

Maxaa ku dhacay ninkii qoriga ku qabtay Soomaali ku jirtay McDonald’s, Minnesota?

0

Booliska ka howlgala deegaanka Eden Prairie ayaa sheegay iney baaritaan xoog leh ku wadaan dhacdo ku saabsan nin caddaan ah oo Isniintii bastoolad ku taagay dhallinyaro Soomaali-Mareykan ah oo ku jirtay maqaayadda McDonald’s.

Sida la soo tabiyay, Muran ayaa dhex maray ninkaas iyo gabdho Soomaali-Mareykan ah oo ku jiray meheradda gudeheeda, oo ka carooday hadallo qallafsan oo uu ku yiri, waxayna xaaladda xumaatay ka dib markii ay dhallinyaro kale oo wiilal ah isku dayeen iney gabdhaha u hiilliyaan.

Ninka oo aan magaciisa la shaacinin ayaa markaas la soo baxay Bastoolad, isagoo ka dalbaday dhallinyarada iney dibadda ugu soo baxaan.

Muuqaal laga duubay qeybo ka mid ah dhacdadaas ayaa si weyn ugu faafay baraha xiriirka bulshada.

Waxaa muuqaalka laga arkayay shaqaale ka tirsan maqaayadda McDonald’s iyo haweeneyda maamulaha ka ah oo ku qeylinaya dhallinyarada kuna khasbaya inay ka baxaan meheradda, arrintaas ayaana muran xoog leh dhalisay.

Dadka qaar ayaa maamulka McDonald’s ku dhaliilay iney ka gaabiyeen sugidda amniga macaamiishooda, maadaama ay ka dalbanayeen iney banaanka ugu baxaan qof hubeysan oo u hanjabayay.

Maxaa ku dhacay ninka dhacdada ka dib?

Galinkii dambe ee maalintii Arbacada ayey booliska xireen ninka lagu tuhunsan yahay inuu falkaas sameeyay.

Eedeysanaha oo la sheegay inuu 55 jir yahay ayaa loo taxaabay xabsiga waxaana loo diiwaan galiyay dacwad uu nooceedu yahay weerar hubeysan.

Kiiskiisa ayaa loo gudbiyay xeer ilaalinta gobolka, si ay go’aan uga soo saaraan maxkamadeyntiisa.

Sidoo kale booliska ayaa wada baaritaan qota dheer oo ku saabsan arrintan.

Maamulka Maqaaxida McDonald’s ayaa iyagana wajahaya cambaareyn xoog leh oo uga imaaneysa dhinaca shacabka, taasoo ku aaddan habka ay dhacdadaas u maareeyeen.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay dhigiisa kenya
Next articleHowlgal Qorshaysan oo Lagu Soo Qabtay Sarkaal Sare oo Ka Tiraana Alshabaab oo laga Sameeyey Degmada…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here