Home Wararka Maanta Maxaa kala qabsaday xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo nin ku sigtay...

Maxaa kala qabsaday xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo nin ku sigtay inuu sarwaalka ka siibo?

0

Muqaal baraha bulshada aad u qabsaday ayaa muujinaya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo qof ka mid ah taageerayaal ku sugnaa isu soo bax siyaasadeed oo Gaarisa ka dhacay uu iska laadlaaday xildhibaanka misana wax yar u jirsaday inuu sarwaalka ka bixiya.

Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Modogaashe oo katirsan Garrissa.

a oga sababta dhadadan ka dambeysa balse dadka qaar ayaa sheegay in ninkaasi uu doonayay in saalamo madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Wiliam Ruto oo halkasi olole doorasho ka waday, halka dadka qaarna ay leeyihiin si ula kac ah ayuu ninkaasi u doonayay in uu surwaalka uga siibo xildhibaanka.

Xildhibaan Aden Ducaale oo aan la hadalnay ayaa sida tan yiri “Muqaalkee , nin sakhraansan oo doonayay inuu gaaro madaxweyne kugixeenka William Ruto markii ay u diideen cidamadda amaanka ayuu isaga oo doonayay in uu fuulo madaxa hore ee baabuurka ayaa {sidaasi dhacday} Waa inaad dadka kala hadashaan ajandaha isbaheysiga Kenya kwanza ee aan wadno”

Ducaale ayaa khudbad jeedinayay markii ay arrintani dhacday.

Aden Ducale oo ah xildhibaan laga soo doorto deeganka Township ee ismaamulka Garrissa horayna u ahaa hoogamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya ayaa ah nin aad ugu dhaw madaxweyne ku xigeenka Ruto oo hadda lolan adag kula jira Raila Odinga.

Doorashada Kenya ayaa dhici doonto bish August ee sanadkan.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble Laga bilaayo 10:00 ee caawa Muqdisho waa Bandaw
Next articleMuxuu hadal hayn u dhaliyay arooska Boqoradda Style-ka iyo Haykal?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here