Home Wararka Maanta Mareykanka oo shaaciyay magacyada 10 Soomaali ah oo lagu daray liiska argagixisada

Mareykanka oo shaaciyay magacyada 10 Soomaali ah oo lagu daray liiska argagixisada

0

Waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa maanta shaacisay inay heshay xogta ku saabsan dad ka tirsan shabakad isku xiran oo dhanka fududeynta dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab, kuwaasoo lasoo bandhigay magacyadooda.

Qoraal lasoo dhigay bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiriye muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya.

Shabakaddan ayaa ku howlanayd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo hawlo la xiriira qorista dadka ku biiraya al-Shabaab.

Sida lagu sheegay warkan, marka laga soo tago in ay hormuud ka yihiin Al-Shabaab, fududeeyayaashan waxa ay xiriir toos ah la sameeyeen saraakiil kale oo horay loogu aqoonsaday iney yihiin Al-Shabaab.

Dhammaan dadkan ayaa lagu daray liiska shakhsiyaadka loo aqoonsaday inay ka tirsan yihiin argagxisada iyadoo loo cuskanayo qaraarka Fulinta (E.O.) 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in Al-Shabaab ay gacan saar la leeyihiin ururka Al-Qaacida, waxa uuna weerarro duqeymo joogto ah la beegsadaa dhaqdhaqaaqyadooda gudaha Soomaaliya.

Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah:

ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab

KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn

HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.

ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate

ABDI SAMAD – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.

ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay

Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas)

Dadkan magacyadooda la sheegay ayaa lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqaalaha ah.

Ad
Previous article92 Tahriibeyaal qaaqaawan oo laga helay xuduuda Turkiga iyo Giriigga
Next articleCiidamo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Xaadoole oo nolosha ku qabtay Rag ka Tirsanaa Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here