Home Wararka Maanta Ciidamo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Xaadoole oo nolosha ku qabtay Rag ka Tirsanaa...

Ciidamo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Xaadoole oo nolosha ku qabtay Rag ka Tirsanaa Alshabaab

0

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaano dhoor ah oo horey gacanta ugu jiray Al Shabaab.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo horey uga tirsanaa saraakiisha ciidamada ayaa hoggaaminaya ciidamada howlgalada kawada deegaano hoostaga Balcad, waxa ayna ciidankan gacanta ku dhigeen deegaano badan oo gacanta dowladda ka maqnaa.

Ciidamada uu horkacayo Cismaan Xaadoole ayaa saacadihii lasoo dhaafay Al Shabaab kala wareegay deegaano ay kamid yihiin Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale.

Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay in howlgalka ay wadaan sii soconayo ilaa Al Shaaab ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna sheegay in kooxdaasi ay tabar dhigeen loona baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Xaadoole in ciidamada dowladda inta uu socday howlgalka gacanta ku dhigeen 30-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa uu sidoo kale tilmaamay in qaar kalana ay dileen ciidamada.

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo deegaanka ah ayaa howlgalo ka bilaabay gobolka Shabeelaha Dhaxe gaar ahaan deegaano dhaca duleedka degmada Balcad ay horey u maamulayeen Al Shabaab.

Ad
Previous articleMareykanka oo shaaciyay magacyada 10 Soomaali ah oo lagu daray liiska argagixisada
Next articlewararkii ugu danbeeyey Dadkii Xalay Ku Dhintay Qarxii Ka Dhacay Muqdisho oo Kordhay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here