Home Wararka Caalamka Maraykanka oo sheegay inuu ka jawaabayo haddii Ruushku uu weerar Nukliyeer ah...

Maraykanka oo sheegay inuu ka jawaabayo haddii Ruushku uu weerar Nukliyeer ah ku qaado Ukraine

0

Maraykanka ayaa uga digay Ruushka “Cawaaqib xumada” ka dhalan karta, haddii uu hubka nukliyeerka u isticmaalo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, sidaas waxaa sheegay Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden oo la hadlay barnaamijka bandhigga toddobaadka ee telefiishanka ABC.

Isaga oo intaas sii raaciyey in saraakiisha Maraykanku ay si gaar ah ugu sheegeen dhiggooda Ruushka, in madaxweyne Biden “uu si cad uga jawaabi doono” haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amro weerar nukliyeerka ah, laakiin ma uusan sheegin sida uu Maraykanku uga jawaabi doono.

Jawaabta Maraykanka ayaa timid ka dib markii madaxweyne Putin uu muujiyey suurtagalnimada weerar nukliyeer ah, ka dib markii uu toddobaadkii hore dib ugu yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay gacan uga geystaan dagaalka toddobada bilood ka socda dalka Ukraine.

Ad
Previous articleYuusuf Dabageed oo xilkii ka qaaday Wasiir ka tirsan Mamulka Hirshabelle
Next articleGanacsade Kasoo jeeda Degmada Cadaado oo Goordhow lagu Dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here