Home Wararka Caalamka Maraykanka oo Burburiyay Markab uu lahaa Ruushka

Maraykanka oo Burburiyay Markab uu lahaa Ruushka

0

Ciidamada Ukraine ayaa burburiyay markab ay leedahay dowladda Ruushka xilli uu kusii jeeday  Koonfurta magaalada Odesa ee dalka Ukraine, waxaana burburka markabkaasi khasaaaro xoogan kasoo gaaray dowladda Ruushka.

Sargaal aan magaciisa la shaacin oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Ukraine ka codsatay Mareykanka in ay siiyaan xogta markabka Moskva oo isticmaalayay biyaha dalkaasi.

Maraykanka ayaa u sheegay Ukraine markabkaasi Moskva ee laga leeyahay dalka Ruushka halka uu marayay iyo xogtiisa, waxaana markaasi kadib weerar ku qaaday markabka ciidamada Ukraine oo ku riday labo gantaal oo haleelay Markabka .

Wasaaradda Difaacada dalka Mareykanka  ayaan wali ka hadlin arintaan warbaahinta baahiyeen , waxaana afhayeen u hadlay Maraykanka  sheegay in ay Ukraine ku caawiyeen xogo sirdoon si ay nafteeda u difaacato.

Dowladda Mareykanka iyo qaar kale oo kamid ah dowladdaha reer Galbeedka ayaa taageero dhinacyo kala duwan u fidiyay dowladda Ukraine si ay isaga difaacaan duuullaanka ciidamada Ruushka kusoo qaadeen.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo ku raad-joogta Falastiiniyiin faasas dad ku dilay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Codsi U Dirtay Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here