Home Wararka Caalamka Israa’iil oo ku raad-joogta Falastiiniyiin faasas dad ku dilay

Israa’iil oo ku raad-joogta Falastiiniyiin faasas dad ku dilay

0

Israa’iil ayaa wada hawlgal ay ku baadi-goobeyso Falastiiniyiin faasas iyo middiyo ku dilay saddex ruux oo u dhashay Irsaa’iil.

Arintaan ayaa khamiistii ka dhacday magaalada ay degan yihiin yuhuuda xagjirka ee Elad.

Waxaa la sheegay in todobo ruux oo kale ay ku dhaawacmeen, laba ka mid ahna ay aad u liidato.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee weeraro tixane ahaa oo tan iyo bishii Maarso ay gaysanayeen Falastiiniyiinta iyo carabta u dhalatay Israa’iil.

Israa’iil ayaa hawlgallo baadi goob ah oo ay arintaan uga jawaabeyso ka biloowday Westbank.

Booliska Israa’iil ayaa sheegay in Falatiiniyiintii geystay weerarka ay ka yimadeen degmada Jenin ee West Bank.

Ad
Previous articleFarmaajo oo Layimid arin ay ka Fajaceen Musharixiinta La Tartamaysa
Next articleMaraykanka oo Burburiyay Markab uu lahaa Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here