Home Wararka Somaliya Galmudug Maleeshiya Hubeysan oo dad ku dilay Duleedka Galkacyo

Maleeshiya Hubeysan oo dad ku dilay Duleedka Galkacyo

0

Maleyshiyo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay saqdii dhexe dad Shacab ah ku laayay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Weerarkaasi waxaa ku geeriyooday 2 Carruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabo Xasan Diiriye Cilmi Waalid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 jir ah.

Wararku waxay sheegayaan in hooyada reerka aysan goobta joogin marka uu falku dhacayay, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah ehelada qoyska.

Lama oga cidda ka dambeysa weerarkaas, hase yeeshee deegaanada miyiga ee hoos yimaada Gaalkacyo waxaa inta badan ka dhaca dhacdooyin salka ku haya aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya beelo ood wadaag ah oo halkaasi wada daga.

Maamulka Galmudug oo ka arrimiya deegaankaas ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo dhacdadan dadka shacabka lagu laayay iyo cidda falkaas ka dambeysay, waxaana socda Baaritaano la xarira Falkaas dadkii ka dambeeyay.

Ad
Previous articleRaisul Wasaaraha soomaaliya oo gaaray Garbahaarey
Next articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo laabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here