Home Wararka Somaliya Galmudug Magaalada Guriceel oo aad looga Dareemaayo Dagaalaka Ka Socda aaga Balanbale iyo...

Magaalada Guriceel oo aad looga Dareemaayo Dagaalaka Ka Socda aaga Balanbale iyo Dhaawacyo Lasoo Garsiyay

0

Degmada guriceel ee gobolka galguduud waxaa maanta laga dareemayaa saxmad xooggan oo ka dhalatay dagaalka kasocda xuduudda ay degmada balanballe la wadaagto dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

Cusbitaalka istarliin ee degmada guriceel iyo cusbitaallo kale ayaa lakeenay dhaawacyo badan oo dagaalka kusoo dhaawacmay waxaana sidoo kale maanta xiran inta badan goobaha ganacsiga ee degmada guriceel maadaama dagaalku saameeyn ba,an ku yeeshay degmada guriceel oo mid kamid ah beelaha dagaalamaya xuddun u ah.

Dagaalka ayaa maanta ka duwan kana qasaara badan midkii shalay dhacay waxaana maydadka dadkii dagaalka ku dhintey ay yaallaan halkii lugu dagaallamay.

Maamulka galmudug oo aan haba yaratee lahayn awood ka baxsan Magaalada dhuusamareeb kuna koooban Magaaladaas ayaan wax war ah kasoo saarin dagaalka shalay ilaaa maanta dhexmaraya dadka walaalaha ah ee mudada dheer dagaalamayey.

Walaal aan si wadajir ah ugu ducayno in Allaah kala qaboojiyo beelaha walaalaha ah ee xaq darrada ku dagaallamaya.

 

Ad
Previous articleDowlada Kenya oo Muwadiniin Soomaaliyeed oo Danbiyo Ku edaysanaa ugacan Galisay Dowlada Uk
Next articleMadaxweynihii Dalka Guinea Bissau oo la Afganbiyay Xabsina La dhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here