Home Wararka Maanta Dowlada Kenya oo Muwadiniin Soomaaliyeed oo Danbiyo Ku edaysanaa ugacan Galisay Dowlada...

Dowlada Kenya oo Muwadiniin Soomaaliyeed oo Danbiyo Ku edaysanaa ugacan Galisay Dowlada Uk

0

Dowlada Kenya ayaa u gacan galisay laamaha ammaanka dalka UK labo nin oo heesta dhalashada dalkaasi kuwaa oo loo heesto dambiyo isugu jira dil iyo dhac ay ka geesteen gudaha UK.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa ku guuleestay in ay soo qabtaan labadan nin oo mid kamid ah Soomaali yahay laguna magacaabo Maxamuud Siyaad Abdixakiim oo 24 jir ah iyo ninka kale oo isna lagu magacaabo onteiro Tariq Kennedy Mangal, oo 21 jir ah.

Ragan ay xireen ciidamada Kenya loona gacan galiyay UK ayaa in mudo ah ku dhuumaaleesanayay gudaha dalka Kenya gaar ahaan xaafada Kilimani oo katirsan magaalada Nairobi halkaas oo laga soo qabtay.

Labadan nin ee loo tarxiilay dalka UK ayaa loo heestay dilka wiil 16 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Alex Smith, kaas oo toori lagu dilay gudaha xaafadda Camden  sanadii 2019-kii, waxaana ragan dilka kadib usoo baxsadeen dalka Kenya.

Booliska UK ayaa aaminsan in mid ka mid ah labada nin ee baxsadka ahaa ee la qabtay uu fuliyay weerarka toorida, halka midka kalena uu saarnaa mid ka mid ah labo baabuur oo la xaday oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo katirsan kooxo gaangistaro ah ayaa ku xiran xabsiyo kuyaala dalka UK, dhalinyaradan ayaana inta badan galay dambiyo isugu jira dilalka , dhac iyo kufsi.

Ad
Previous articleDalka Carooday in lagu Daray Liis ay Soomaaliya Ku Jirtay
Next articleMagaalada Guriceel oo aad looga Dareemaayo Dagaalaka Ka Socda aaga Balanbale iyo Dhaawacyo Lasoo Garsiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here