Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markale ku wajahan Puntland

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markale ku wajahan Puntland

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu horaanta todobaadka soo socda mar kale booqasho ku tago dowlad goboleedka Puntland.

Xassan Shiikh ayaa la soo gaarsiiyey casuumada furitaanka wejiga koowaad ee dekedda Garacad oo xariga laga jarayo Sabtida soo socota sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeyb galo Munaasabadaas Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Sida ay wararku sheegayaan Mas’uuliyiin iyo ganacsato ka socda Jabuuti ayaa sidoo kale lagu marti-qaaday furitaanka dekedda Garacad.

Wejiga koowaad ee dekedda cusub ee Garacad oo muhiim u ah geeska Afrika ayaa lagu wadaa in la furo Sabtida todobaadka soo socda, waxaana dekeda lagu dhisay isku tashi ay sameeyeen ganacsato ka soo jeeda degaanada Puntland.

Ad
Previous articleCiidanka Itoobiya oo qabsaday magaalooyin cusub, kuna siqaya caasimada Makelle
Next articleGuudlaawe Oo Shaaciyay Xiliga La Qabanaya Saldhigga Ugu Weyn AlShabaab Sh.Dhexe ee Degmada Aadanyabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here