Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Guudlaawe Oo Shaaciyay Xiliga La Qabanaya Saldhigga Ugu Weyn AlShabaab Sh.Dhexe ee...

Guudlaawe Oo Shaaciyay Xiliga La Qabanaya Saldhigga Ugu Weyn AlShabaab Sh.Dhexe ee Degmada Aadanyabaal

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegey in Al-shabaab laga saaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe sidoo kalena ay dhawaan isku furi doonaan furimaha dagaalka ee Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe oo ku sugan deegaanka Raaga-Ceele ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen degmada Aadan Yabaal oo ah saldhigga ylugu weyn Shabaab ee gobolka Sh.Dhexe.

Ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka ayuu tilmaamay iney haatan joogaan deegaanka Biyo Cadde, ayna uga sii gudbayaan Miirtaqwo, kadibna ay uga sii talaabi doonaan Ceelbaraf iyo Ceeldheere, halkaaso ay ka galayaan Aadan Yabaal oo ah meesha Shabaab ay ka soo abaabulaan duulaanada ay ka geystaan gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidamadda ku sugan Hiiraan ay iyaguna xadka ka soo tilaabayaan, si Shabaab nolosba loogu qabto oo aysan u baxsan, isagoo sheegay iney gacanta ku hayaan 3 Shabaab ah oo shalay howlgalo lagu qabtay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Markale ku wajahan Puntland
Next articleWiilka uu Dhalay Madaxweynaha Dalka Uganda Museveni oo aabihii si kulul u jawabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here