Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Hadlay Qabashada Degmada aadan yabaal

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Hadlay Qabashada Degmada aadan yabaal

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muuqaal uu goordhaw soo duubay kaga hadlay howlgalada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ka wadaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka guulo waa weyn ka gaareen howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna xusay in saakay ciidamada huwanta ah si buuxda ula wareegeen degmada Aadan Yabaal.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in Al Shabaab isaga carareen degmada Aadan Yabaal, waxa uuna ku eedeeyay kooxdaasi in dadkii degmada degnaa xoog ku barakiciyeen sidoo kale horey u qaateen matoorada labadii ceel ee halkaasi ku yaallay.

”Kooxda Al Shabaab goobaha lagala wareego way gubaan ama horay usii qaataan qalabkii ceelasha ay ku shaqeenayeen, ciidanka dowladana waxay horay u wataan qalabkaas iyagoo isla markiiba dayactira ceelasha” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyay madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug uu sheegay in furumaha dagaalka u joogaan sidii Al Shabaab looga xureyn lahaa deegaanadooda, iyaga oon ka baqeyn miinooyinka iyo xabadda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al Shabaab gobolka Shabeelaha Dhaxe ka joogaan hal degmo kaliya iyana saacado kaddib lala wareehgi doono, waxa uuna cadeeyay in dhinaca Galmudug iyana laga saari doono meelaha ay ka joogaan Al Shabaab.

Waxa uu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ammaan iyo boggaadin u diray madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland uu sheegay in hadda wadaan abaabulka howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, uuna filayo in dhawwaan war wanaagsan soo yeero.

Madaxweynaha ayaana ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in adkaasi muujiyaan muddada yar ee ka harsan ciribtirka Al Shabaab, waxa uuna sheegay in kooxdaasi geesan karaan qaraxyo, waxa uuna ku ugu baaqay shacabka in taxadar sameeyaan.

Ad
Previous articleQiimaha Baarkinka ee Gawaarida Stockholm oo la kordhinayo
Next articleBooliska Norway oo labo Wiil oo Somali ah u Qabtay Dilka Wiil Somali ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here