Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Jabuuti lagu soodhaweeyey

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Jabuuti lagu soodhaweeyey

0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray dalka Jamhuuriyada Jabuuti, garoonka diyaaradaha waxaa ugu yimi Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah mid kamid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer ee Geeska Afrika, doorashooyinka uu kusoo baxo ayay mucaaradkiisu dhaliilaan.

Madaxweyne Xasan ayaa saacado ku hakaday Muqdisho, markii uu kasoo duulay saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waa safarkiisii 5aad tan iyo markii la doortay 15kii bishii May.

Geelle ayaa inta badan jecel in loogu yeero walaalka weyn ee Soomaaliya,waxay horey isku hayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo xukunka baneeyey, sababta ugu weyn ay ahayd booqashadii Farmaajo ee Eritrea.

Ad
Previous articleGanacstada qaadka ee Soomaaliya oo ka hadlay heshiskii Xasan Sheekh iyo Uhuru
Next articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta la Kulmay ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika iyo Saraakiisha ATMIS (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here